Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Suudaan oo maxaabiis dagaal ku wareejinaysa Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Suudaan, ayaa qorsheyneysa inay Itoobiya ku wareejiso 60 maxbuus oo lagu qabtay iska hor imaadyadii ka dhacay xuduudda labada dal.

Qorshahaan maxaabis wareejinta ayaa lagu waday in uu dhaco isbuucaan laakin waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana  laga dhigay isniinta soo socota, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Suudaan.

Ciidmada Suudaan ayaa sheegay in tillaabaadan caddayn u tahay sida Suudaan ay diyaar ugu tahay deris wanaag iyo iskaashiga  labada dowladood.

Bilihii lasoo dhaafay, wax aka socday xuduudda Suudaan iyo Itoobiya isku dhacyo hubeysan, iyadoo  Suudaan sheegatay in ay soo ceshatay dhul hore looga hestay.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Suudaan oo maxaabiis dagaal ku wareejinaysa Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this