Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad goboleedyada oo ka hadlay muddo kordhinta federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210412_233801780.jpg?resi

Puntland iyo Jubaland ayaa qaadacay muddo kordhinta dowladda federaalka, hallka Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir ay soo dhaweeyeen go’aankii baarlamaanka.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Dowladda Puntland way ka xuntahay wixii maanta dhacay, waxay ahayd tillaabo sharci daro ah oo uu qaaday Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DFS ee wakhtigu ka dhammaaday”.

“Puntland dib ayey ummada Soomaaliyeed ulasoo wadaagi doontaa mowqifkeeda la xiriira wixii maanta dhacay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dabaraani.

Sidoo kale Jubaland ayaa sheegtay in wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ay ahaayeen sharci darro, ayna dib u celinayso hannaanka geeddi socodka iyo dib u dhiska dowladnimada dalka.

“Dowlada Jubaland waxay cadaynaysaa wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaysan wax sharci ah ku dhisnayn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

Dhanka kale madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka Golaha Shacabka uu maanta ka qaatay arrimaha doorashooyinka Qaranka, kaasoo dalka dib ugu celinayo doorasho qof iyo cod.

PUNTLAND POST

The post Dowlad goboleedyada oo ka hadlay muddo kordhinta federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this