Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Soomaaliya oo ka been abuurtay Maamuladii ay u yeerin jirtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Caawa waxaa Villa Soomaaliya ay soo saareen Warsaxaafadeed lagu sheegay inay Wadajir usoo saareen Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, kasoo lagu sheegay in Sadexdaan Maamul iyo waliba Gobolka Banaadir ay soo dhaweynayaan Mudo kordhintii loo sameeyay Hay’adaha Dowlada.

Laakiin Galmudug iyo Koonfur Galbeed durba waxay ka dababtageen Warkaas, waxayna ku tilmaameen been abuur, iyo inuusan jirin wax Qoraal ah oo ay Wadajir ama kali ahaan usoo saareen.

Waxaa la xaqiijiyay in Shaqaalaha Villa Soomaaliya ay ka dambeeyeen soo saarida Qoraalkaan Been Abuurka ah kasoo dhaliyay shaki ku aadan sababta keentay in laga been Abuurto Maamuladii ay iyagu gacanta ku hayeen.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa kamid ah Masuuliyiinta ka falceliyay Warsaxaafadeedka Bern abuurka ah euxuuna ku tilmaamamay “ Go’aan fudayd lagu qaatay oo taageero Been ah loo raadinayo”.

waakan Warsaxaafadeedka been abuurka ah

2CE48287-406D-4319-8898-F1ECAF06E75F-355

The post Villa Soomaaliya oo ka been abuurtay Maamuladii ay u yeerin jirtay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this