Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo ka horyimid go’aankii Golaha Shacab

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdi-xaashi.png?resize=1000%2C559&ssl=1

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa go’aanka Golaha Shacabka ee muddo kordhinta ku tilmaamay mid dalka u horseedaya xasilooni darro siyaasadeed, khataro amni iyo xaalado kale oo aan xiligan la saadaalin karin.

Cabdi Xaashi ayaa qoraal u diray madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha, madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Madasha Badbaado Qaran, Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka, ku sheegay in go’aanka Golaha Shacabka uu sii fogeeyay xal laga gaaro doorashooyinka dalka, uuna baalmarsan yahay dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka.

Cabdi Xaashi ayaa madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal ugu baaqay in ay ku soo noqdaan heshiiskii 17 September 2020 ee ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayuu ka codsaday in ay soo farageliyaan xaaladda dalka inta aysan faraha ka bixin, sida uu hadal u dhigay.

FB_IMG_16182431022808759.jpg?resize=690% FB_IMG_16182431091055651.jpg?resize=690%

PUNTLAND POST

The post Aqalka Sare oo ka horyimid go’aankii Golaha Shacab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this