Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka sare oo Sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta loo sameeyey Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka golaha shacabka ee muddo kordhinta loo sameeyey Farmaajo. Aqalka sare waxaa uu ku baaqay in loo laabto heshiiska September 17, dalkana laga ilaaliyo qalalaaso iyaga oo beesha caalamka ugu baaqay iney soo farageliso.

Golaha Shacab oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho maanta ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyay Qaraarka cusub ee doorashooyinka .

Qaraarkan ayaa dhigaya in dalka laga qabto doorasho Qof iyo Cod ah , iyadoo muddo laba sano ah loogu daray hay’adaha Dowladda si dalka doorashadaas uga qabtaan .

Inta badan xildhibaanada ayaa cod Aqlabiyad ah ugu gacan taagay , iyadoo in ka badan 140 Mudane ay ansixiyeen Xeerka .

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this