Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay mudda kordhinta loo sameeyay dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay mudda kordhinta ay u sameeyeen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka kaas oo dalka looga hirgelinayo doorashoq qof iyo cod ah kadib laba sano oo mudda kordhin ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbaantahay dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay mudda kordhinta loo sameeyay dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this