Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal sare oo Xukumada Farmaajo Xilkii ka eriday+Halka Sartu ka qudhuntay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal sare oo Xukumada Farmaajo Xilkii ka eriday+Halka Sartu ka qudhuntay

Saadiq John
Saadiq John

Taliyihii booliska ee Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Saadiq Cumar John ayaa xilkii laga qaaday, isaga oo lagu eedeeyey inuu ku kacay fal ka baxsan anshaxa booliska.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in taliyaha booliiska Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar inuu xilkaasi ka qaaday Saadiq John uuna ku beddelay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan “Farxaan Qaroole”.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay hadal uu jeediyey Saadiq John oo uu ku sheegay inuu hakiyey fadhigii uu maanta lahaa baarlamaanka Soomaaliya. Saadiq John ayaa sheegay inuu hakinta baarlamaanka u qaaday si looga baaqsado gacan ka hadal iyo xatooyo dhacda, sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo ka hadlayey telefiishanka Universal TV, waxa uu Saadiq John sheegay inuu doonayo in dhinacyada siyaasadda isku haya ay heshiis ka gaaraan doorashada oo laga baaqsado muddo korodhsi.

Waxa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu la wareego mas’uuliyadda dalka uuna ku cadaadiyo dhinacyada is khilaafsan inay ku laabtaan teendhada oo ay is faham gaaraan, sida uu hadalka u dhigay.

Baarlamaanka ayaa lagu waday inay maanta ka shiraan ajande ku saabsan doorashada qaran. Mucaaradkuna waxay xalay ka digeen inay muddo korodhsi samayso dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this