Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Khayre: Farmaajo dalka wuxu ku sii wadaa godmadow

Recommended Posts

Deeq A.   

Ex. Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo haatan warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo uu dalka ku sii wado godmadow.

Mr. Khayre ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu doonayo mudda kororsi aan sharciga waafaqsanayn, kaas horseedi doona fowda iyo burbur ay adagtahay in dib looga soo kabto.

Murashax Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidanka dowaldda Federaalka uu soo kala dhex-galay shaki iyo aaminaad la’aan sababtay in aysan wada-shaqayn, taasina ay caddayn u tahay wixi saaka dhacay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in wax kasta oo maanta dalka ka xumaada uu mas’uuliyadooda qaadan doono madaxweyne Farmaajo islamarkaana aysan cidna la wadaagin.

PUNTLAND POST

The post Xasan Khayre: Farmaajo dalka wuxu ku sii wadaa godmadow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this