Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo xilka ka qaaday Gen. Saaddiq Joon

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa haatan xilka ka qaaday Taliyihii Qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Saaddiq Joon.

Dikreeto ka soo baxday Taliye Xijaar ayaa lagu shaaciyay, in xilka laga qaaday Saaddiq Joon, islamarkaana xilkaas loo magacaabay G/dhexe, Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole oo loo dallacsiiyay derejada G/sare.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa hadda xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John). Waxaana xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejads Gaashaanle Sare.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

Xilka qaadista ayaa ku soo beegmatay, wax yar kadib markii uu hadlay Gen Saaddiq Joon isagoo sheegay in uu joojiyay kulankii Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena Ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqay in uu talada dalka la wareego.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo xilka ka qaaday Gen. Saaddiq Joon appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this