Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg deg ah: Booliiska Soomaaliya oo joojiyey kulankii maanta ee BF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon|) ayaa goor dhow shaaciyey in taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu joojiyey kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo qorshuhuu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan doorashooyinka qaran ee 2021.

Saadaq Joon ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliyeed uu waajib qaran ka saaran yahay nabad-geylada guud iyo xasiloonida dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya looga baahan yahay inay aadaan deegaanadooda iyo doorashooyin, maadaama uu ka dhammaaday muddo xileedka.

Taliyaba Booliska qeybta gobolka Banaadir ayaa sababta ugu weyn ee loo joojiyey kulanka baarlamaanka ku sheegay, si looga hortago in dalka la geliyo fowdo siyaasadeed.

Waxa kale oo uu xusay in aysan ogoleyn in la sameeyo muddo kororsi dalkan u horseedeyao dib u dhac hor leh iyo in dib loogu noqdo dagaalladii sokeeye.

Si kastaba go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo laga baqayey in baarlamaanka uu ku dhowaaqo muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda.

The post War deg deg ah: Booliiska Soomaaliya oo joojiyey kulankii maanta ee BF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this