Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo lagu daadiyay dhammaan wadooyinka gala Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
2-12.jpg?resize=640%2C350&ssl=1

Ciidamo badan oo ka tirsan Booliiska iyo Nabad-sugidda Soomaaliya, ayaa saaka oo Isniin ah lagu arkay baraha kantarool ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamadan oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa ku sugan dhammaan waddooyinka laga galo xarunta Villa Somalia, sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Tallaabadan ayaa ku soo aaday, xilli Baarlamanka Soomaaliya uu maanta dood ka yeelanayo mooshin ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, oo weli muran iyo khilaaf ka taaganyahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Baarlamanku doonayo in mudda kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda Federaalka ee haatan jira, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo lagu daadiyay dhammaan wadooyinka gala Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this