Sign in to follow this  
Deeq A.

Midawga Musharixiinta Oo Ka Digay Mudda Kordhin Loo Sameeyo Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubnaha midawga Musharixiinta ayaa ka digay muddo kordhin loo sameeyo Hay’adhaa dowladda .

Midawga oo Kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka .

Musharixiinta ayaa kaga digay Baarlamaanka in ay Farmaajo u sameeyaan Muddo kordhin .

Madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo warbaahinta la hadlay shirka kadib ayaa sheegay inay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi

“Waxaan aaminsanahay inay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi, waxaana leenahay hogaanka dowladda waqtigeedu dhamaadey waad ambateene soo noqda, oo Soomaaliya ha u horseedina inay dib ugu laabato wixii laga yimid” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this