Deeq A. Posted April 12, 2021 Shil ka dhacay warshadda Nukliyeerka ee Iran Warashadda Natanz ee Nukliyeerka Iran Warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in shil uu ka dhacay warshadda Nukliyeerka ee Iran maalin uun kadib markii xarigga laga jaray xarun soo saarta macddanta Uranium-ka. Saraakiisha warshadda Nukliyeerka Iran waxay sheegeen in arrintani ay ka dhalatay kadib cilad koronto oo ka dhacday gudaha warshadda halkaas oo muhiim ah barnaamijkeeda Uranium-ka. Wax khasaare ah kama dhalan dhacdadan. Sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii warshadda Natanz uu ka kacay dab, mas’uuliyiinta waxay xilliggaas sheegeen in uu ahaa isku day la doonayay in lagu hor istaago barnaamijka Nukliyeerka Iran. Dhacdadan ugu dambeeysay ayaa imaaneysaa xilli ay socdaan wadahadallo dib loogu soo celinayo heshiiskii quwadaha caalamka ay la galeen Iran sanadkii 2015-kii. Article share tools Qaran News Share this post Link to post Share on other sites