Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil Soomaali ah oo lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Badweynta Hindiya+Sida wax u dhaceen

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil Soomaali ah oo lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Badweynta Hindiya+Sida wax u dhaceen

 

Saaraakiil SOOMAALI ah oo lagu dhaawacay dagaal ka dhacay badda (Faah-faahin)

Taliye ku xigeenka ciidanka ilaalada xeebaha maamulka Galmudug iyo askari kale ayaa dhaawacooda galabta la geeyey degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Taliyaha iyo askariga kale ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn ka dhacday gudaha Badweynta Hindiya, taas oo dhex martay ciidanka ilaalada xeebaha Galmudug iyo ilaalada Markab ku howlanaa kalluumeysi sharci darro ah.

Ciidamada ayaa isku deyey inay soo qabtaan Markabka, balse waxay iska cabin adag kala kulmeen ilaaladii la socotay.

Inta la xaqiijiyey Taliye ciidanka ilaalada xeebaha maamulka Galmudug oo magaciisa lagu soo koobay Xirsi iyo askariga kale ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyntaas, waxaana illaa hadda la ogeyn in khasaare gaaray ilaaladii iyo shaqaalihii Markabka.

Sidoo kale waxaa baxsaday Markabkii, illaa haddana lama garan dalka laga leeyahay Markabkaas.

Howlagalka ay ciidamadu doonayeen inay ku soo qabtaan Markabkaas ayaa yimid kadib markii kalluumeysatada gobolka Mudug ay cabasho kasoo gudbiyeen xaalufin uu xeebta ka waday markabkaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this