Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo tiro badan oo caawa la dhigay wadooyinka Muqdisho iyo sababta ka danbeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada)- Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa caawa lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee gala xarunta Villa Somalia iyo baarlamaanka, kadib markii xildhibaanada baarlamaanka loo diray fariin loogu sheegayo in beri uu jiro kullan deg deg ah oo looga doodayo mooshin ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Ciidamadaan ayaa xiray wadooyinka gala xarunta baarlamaanka iyo Villa Somalia, waxaana la xayiray isu socodka gaadiidka.

Warar ay heshay Caasimadda ayaa sheegaya in Guddoonka baarlamaanka uu damacsan yahay inuu muddo kordhin labo sano ah u sameeyo Xukuumadda iyo Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday, isagoo cuskanaaya in lagu heshiin waayay qabsoomida doorasho dadban, sidaasi darteedna la aadi doono doorasho qof iyo cod ah mudo labo sano ah kadib oo mudo kordhin ah.

Wararku waxay intaa ku darayaan in golaha midowga murashaxiinta ay xiligaan kulan deg deg ah ka leeyihiin shirka baarlamaanka ee beri iyo tallaabada u furan ee kaga aadan, iyadoo la filaayo in ay soo saaraan war murtiyeed arrintaasi ugu hadlayaan.

Beesha caalamka ayaa gebi ahaanba kasoo horjeeda in mudo kororsi loo sameeyo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday, taas badalkeeda ay door bidayaan in dib loo furo wada hadalada madaxda Soomaalida si xal la isla ogol yahay laga gaaro arrimaha doorashada.

The post Ciidamo tiro badan oo caawa la dhigay wadooyinka Muqdisho iyo sababta ka danbeysa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this