Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Muraxashiinta oo war deg deg ah kasoo saaray mudo kororsiga Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir jaraa’id oo si deg deg ah u qabteen Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa looga hadlay tallaabada beri baarlamaanka qorsheynaayo ee mudo kororsiga loogu sameynaayo dowladda waqtigeeda dhamaaday ee Farmaajo.

Shariif Sh. Axmed, guddoomiyaha Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa cod dheer ku sheegay in nasiib daro weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed in iyadoo fidsan gogoshii looga arrinsanayay qabsoomida doorasho waadix ah in la aado mudo kororsi, wuxuuna tilmaamay inay si cad ugu soo horjeedaan tallaabadaasi kuna tilmaamay sharci daro.

Wuxuu sheegay Sh. Shariif in madaxda mudo xileedkeeda dhamaaday wadada ay dalka ku wadaan inay tahay mid qaldan oo dalka u horseedeysa xasilooni daro siyaasadeed, burbur dhaqaale iyo mid amni intaba.

Shariif. Sheekh Axmed ayaa ka digay in aysan aysan cidna ku takri fali karto ammaanada ummada Soomaaliyeed, cidii ku takri fashana waxay muujineysaa xukun jaceyl iyo kursi isku dhejis, isagoo sheegay in madaxweynaha xilka ka dhamaaday uu hadda mudo labo bilood ah sharci daro uu xafiiska ku joogo.

Sh. Shariif ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay kasoo horjeestaan tallaabo kasto oo dalka u horseedeysa qalalaase isagoona bidhaamiyay in wixii ay horay ugu digayeen loo arkayay macno daro, balse maanta la arkaayo in la joogo waqtigii shacabka xaqiiqda ogaanayeen loona ordaayo mudo koror iyo in dalka loo horseedo xaalad qalalaase.

Sidoo kale, Ciidamada milateriga Somalia ayuu nasiib daro usoo hoyaday ku tilmaamay in caawa oo ku beegan 12 April oo ah maalintii la aas-aasay lagu soo aadiyo in loo adeegsado awood sharci daro iyo dhibaateynta shacabka, wuxuuna ugu baaqay inaysan aqbalin wax sharciga baal marsan.

“Iyadoo berri ku beegan tahay maalinta ciidammada xoogga dalka ee 12-ka April, waa nasiib darro kale in ciidammada loo adeegsanayo in ay xukunka sharci darrada lagu boobayo in ay u adeegaan waa qatar keeneysa in dib loo laabto, waana qaran dumisnimo, hoggaanka dalka waxaan leenahay waa ambataye soo noqo dalkaan ma qaadi karo mudo kordhin dhaqaale ahaan Siyaasad ahaan iyo Amni ahaan waa dal jilcan, beesha caalamka ummadda Soomaaliyeed ha ogaadaan wixii ka dhasha muddo korarsi la sameeyo waa u joognaa” ayuu yiri Sh. Shariif.

Ugu danbeyn, Shariif Sh. Axmed oo garbahiisa taagnaayeen ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur wuxuu tallaabada madaxweyne Farmaajo ee baarlamaanka qorsheynaayo beri inay tahay xukun jaceyl iyo kalitalisnimo.

The post Midowga Muraxashiinta oo war deg deg ah kasoo saaray mudo kororsiga Farmaajo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this