Deeq A. Posted April 11, 2021 Inta badan dalalka Muslimiinta ah, gaar ahaanna waddamada Carbeed, ayaa shaaciyay in ay Soomi doonaan maalinta Talaadada ah oo ku beegan 13 bisha April 2021. Dalalka kala duwan ee Carbeed oo Galabta raadiyay dhalashada bisha Ramadaan ayaa sheegay in aysan jirin meel laga arkay, sidaas darteedna ay dhammaystiri doonaan bisha Shacbaan oo 30 ku buuxda Isniinta berri ah. Dalalka qaarkood ayaa ku baaqay in berri galab mar kale la raadiyo bisha barakaysan ee Ramadaan, islamarkaana haddii la arki waayo, sidaas lagu soomo maadaama ay buuxsantay 30 bisha Shacbaan. Guud ahaan muslimiinta dunida ayaa la filayaa in bisha Soon u bilaabato maalinta Talaadada ee 13-ka April 2021. PUNTLAND POST The post Inta badan Dunida Muslinka oo Talaadada soomi doona appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites