Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoorqoor: Doorashada Soomaaliya waxay u taagan tahay arrimo shakhsiyeysan

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20210411-194429.jpg?resize=

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya ay u taagan tahay dano gaara oo shakhsiyeed.

Madaxweyne Qoorqoor oo wareysi siiyay weriye Cabdixaafid Maxamuud Jaamac ayaa sheegay in u jeedada shirkii Afisyoone ahaa dhameystiro wixii ka soo noqday heshiiskii 17 September iyo is afgaradkii 16 February, balse laga gudbiwaayay doodo shakhsiyeysan oo aan xiriir la lahayn doorashada.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu xusay in aan la isku qaban in shirka ay ka soo qeybgalaan guddoomiye Cabdi Xaashi iyo madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, wararka sheegayeyna ay ahaayeen dacaayad suuqa laga sameeyay.

PUNTLAND POST

The post Qoorqoor: Doorashada Soomaaliya waxay u taagan tahay arrimo shakhsiyeysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this