Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland : Weli Waxay Joogtaa Miiskii Wada-xaajoodka Ee Lagu Balamay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta dowlad gobaleedka Puntland Abdullahi Ali Hirsi Timacadde ayaa sheegay in Puntland ay weli diyaar u tahay sidii ay wada hadalada ku sii socon lahaayeen.

Timacadde ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Puntland ay weli joogto Miiska wada hadalka una baahan tahay in wada hadalada la sii wado .

Wasiirka ayaa sidoo kale Sheegay In ay Farmaajo ugu baaqayaan in uu soo xaadiro Miiska si ay wada hadalada u sii socdaa,

“Puntland weli waxay joogtaa miiskii wada-xaajoodka ee lagu balamay. Waxaa naga go’an raadinta xal doorasho loo dhan yahay lagu geli karo, si Dalka xasilooni darro siyaasadeed looga badbaadiyo.”

“Farmaajo waxaan ka rajaynaynaa inuu miiska wada-xaajoodka ku soo laabto.”

171360126_516133702714024_42997567905661

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this