Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo xilka u kala beddelay laba kamid ah Wasiiradiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka u kala beddelay laba wasiir oo ka tirsan Golihiisa xukuumadda.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa lagu caddeeyay in Durraan Axmed Faarax oo ahaa wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada loo beddelay, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

Sidoo kale, Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar oo ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa isna loo beddelay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo xilka u kala beddelay laba kamid ah Wasiiradiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this