Sign in to follow this  
Deeq A.

Tallaalka Labaad Ee Cudurka COVID-19 Oo Maanta La Keenayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Axad ah Dowladda Soomaaliya ku wareejin doonta 200.000 oo tallaalka COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay.

Bishan aynu ku jirno 7-dii ayay ahayd markii Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinahu uu saxeexay heshiis tallaal lagaga hortego Cudurka COVID-19 lagu geynayo dalka Soomaaliya.

Danjire Cawaale Cali Kulane Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya dalka Shiinaha ayaa  hishiis ku aadan hilida talaalka ka hortaga cudurka adduunka Aafeeyey ee COVID-19  la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa shaacisay in gelinka dambe ee Maanta oo Axad ah Magaalada Muqdisho la keeni doono tallaalka Sinopharm oo ay soo saartay dowladda Shiinaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this