Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamadda Somaliland Oo Laba Sanno Ku Xukuntay Korneyl Jaamac Doolaal

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda ciidamada millatariga Somaliland ayaa maanta laba sano oo xabsi ah ku xukuntay Korneyl Jaamac Doolaal oo kamid ah milatariga Somaliland.

Maxkamadda ayaa korneylka ku heshay danbi ah in uu xidhiidh la sameeyay shakhsi jooga Soomaaliya, isla markaana uu kala hadlay arrimo qoys, taas oo ay maxkamaddu ku tilmaantay danbi, maadaama Soomaaliya ay kasoo horjeeddo qarannimada Somaliland.

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay laashey in Korneyl Doolaal uu ku kacay khiyaano qaran iyo Kacdoon ciidan, kadib markii cod sir ah oo ay soo bandhigtay xeer ilaalinta ciidanku ay caddeyn kari wayday in uu yahay codkii saxda ahaa ee Korneyl Doolaal.

In la xukumay Kornayl Jaamac Doolaal waxa xaqiijisay gabadh uu dhalay oo lagu magacaabo Ubax Jaamac Doolaal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this