Deeq A. Posted April 11, 2021 (SLT-Hargeysa)-Wakiilka Somaliland ee Kenya Amb Baashe Cawil, ayaa booqday Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo xaalad Caafimaad u jooga waddanka Imaraadka Carabta. Amb Baashe, ayaa sheegay in Wasiirku dhawaan dib ugu soo laabanayo Somaliland. Wakiilka Somaliland ee Kenya Amb Baashe Cawil ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi “Waxaan booqasho iyo bariidin ugu tagay maanta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin, hotelka uu ka dagan yahay Magaalada Abu Dubai, halkaas oo uu muddo ku sugnaa dhawaana dalkiina dib ugu laaban doona Insha’Allah.” Source Share this post Link to post Share on other sites