Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidan gadooday oo Goor-dhaweyd qabsaday Kaantaroolada laga soo galo Magaalada Gaalkcayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidan gadooday oo Goor-dhaweyd qabsaday Kaantaroolada laga soo galo Magaalada Gaalkcayo

ciidan.jpg

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug, oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa saaka la wareegay dhammaan kantaroollada laga soo galo koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug, ayaa laga soo xigtay in ciidankan ay ka cabanayaan mushahar ka maqan mudda saddex bilood ah.

Ciidankan oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa isbaarooyin dhigtay saddexda Kantarool ee laga soo galo koonfurta Gaalkacyo, sida ay sheegeen Goob-joogayaal.

Ciidanka ayaa xannibay isu-socodka gaadiidka soo galaya iyo kan ka baxaya koonfurta Gaalkacyo, waxaana haatan socda dadaal lagu xallinayo tabashadooda.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this