Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaaliya oo lagu dilay dalka Koonfur Africa

Recommended Posts

Deeq A.   
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa
whatsapp sharing button
email sharing button
2021411637537027256089185.jpg

Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa gaar ahaan magaalada Cape Town ayaa sheegay in rag hubeysan toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada.

Gaar ahaan toogashadan ayaa ka dhacday xaafadda lagu magacaabo  Elsies River iyadoo muwaadinka la toogtayna magaciisa lagu soo kooban Ilyas.Gaadhi uu watay oo sidoo kale ay la saarnaayeen saddex kale oo dhalinyarro ah  ayaa la sheegay in rasaas huwiyeen rag hubeysan  oo loo maleynayo in ay ahaayeen budhcad.

Waxaa soconaya  baadhitaanno iyo baadigoob ciidamada Booliiska xaafadda uu dilku ka dhacay ay ugu jiraan kooxdii ka danbeysay Dilka Ilyaas, kuwaa oo ilaa iyo hadda aan gacanta lagu soo dhigin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this