Deeq A. Posted April 11, 2021 Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa gaar ahaan magaalada Cape Town ayaa sheegay in rag hubeysan toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada. Gaar ahaan toogashadan ayaa ka dhacday xaafadda lagu magacaabo Elsies River iyadoo muwaadinka la toogtayna magaciisa lagu soo kooban Ilyas.Gaadhi uu watay oo sidoo kale ay la saarnaayeen saddex kale oo dhalinyarro ah ayaa la sheegay in rasaas huwiyeen rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ahaayeen budhcad. Waxaa soconaya baadhitaanno iyo baadigoob ciidamada Booliiska xaafadda uu dilku ka dhacay ay ugu jiraan kooxdii ka danbeysay Dilka Ilyaas, kuwaa oo ilaa iyo hadda aan gacanta lagu soo dhigin. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites