Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Ismariwaaga Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Hey’adaha caalamiga ah ayaa kooxaha Soomaalida ugu baaqay in xal laga gaaro ismariwaaga doorashada Soomaaliya.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen hey’adaha Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD ayaa lagu sheegay in ay ka shalaynayaan guuldarrada wada hadalka doorashada.

Afartan hey’adood ayaa yiri”Hey’adahan waxaa ay walaac ka muujiyeen ismariwaaga jira iyo saameynta xun ee ay ku leedahay nabadda, amniga, xasiloonida iyo barwaaqada Soomaaliya iyo meelo ka fog”

Arrintan ayaa jawaab u aheyd qoraal ay dowladda federaalka ah u dirtay golaha ammaanka oo ay ku sheegtay in faragelin laga daayo arrimaha gudaha Soomaaliya, lana ixtiraamo madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this