Deeq A. Posted April 11, 2021 Wararka naga soo gaarayo degmada Hodan gaar ahaan Saybiyaano ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska . Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Mahad Ali Cilmi (Mahad Dolar ) ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed . Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in sarkaal uu ahaa mid magac ku leh Agagaarka Saybiyaanoo illa Ex-control Afgooye . Dilka Taliyaha ayaa la sheegay in ay ka dambeeyen Kooxo bistoolado ku hubeysan kuwaas oo dilka kadib goobta isaga baxsaday. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites