Deeq A. Posted April 11, 2021 Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodan ku dilay Maanta sarkaal caan ka ahaa xaafadda kana tirsanaa Cidamada Booliska Soomaaliya. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Dollar), waxaana lagu toogtay Garaash ku yaalla agagaarka Seybiyaano halkaas oo ah suuq lagu iibiyo qudaarta iyo Caanaha oo uu isaga mas’uul ka ahaa. Kooxaha dilka geystay ayaa marxuumka dhowr xabad kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka, waxaana ugu dambeyn u suurta gashay inay meesha isaga baxsadaan, inkastoo ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan ragga falka geystay. Sarkaalka dilka loo geystay ayaa caan ka ahaa Muqdisho, gaar ahaan Degmada Hodan, wuxuuna heystay ciidamo gaar ah oo isaga ka amar qaata. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka, islamarkaana geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da. Ilaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Sarkaalkaan loo geystay oo ka tirsanaa ciidamada booliska, waxaana la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan Al-Shabaab, oo ayadu inta badan geysata falalka noocan ah. Ma aha markii u horeysay ee Sarkaal ka tirsan ciidamada ay dabley hubeysan ku toogtaan magaalada Muqdisho, haddana waxay dhacdadan kusoo aadeysa xili uu dalka marayo marxalada xasaasiya. The post Mahad Dollar oo lagu dilay magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites