Deeq A. Posted April 10, 2021 Qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa duhurnimadii maanta isku qarxiyay maqaayad ku taalla magaalada Baydhabo. Qaraxa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 4 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 7 qof. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa lala damacsanaa guddoomiyaha gobolka Bay Cali Wardheere Cabdiraxmaan, oo xiligaas ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay. Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Suweys oo ku dhagan hotel Baydhabo, waana goob ay isugu yimaadaan mas’uuliyiin iyo shacab. Maamul Koonfur Galbeed ayaa weli ka hadlin qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay bartamaha Baydhabo PUNTLAND POST The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites