Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16180474972584822.jpg?resize=720%

Qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa duhurnimadii maanta isku qarxiyay maqaayad ku taalla magaalada Baydhabo.

Qaraxa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 4 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 7 qof.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa lala damacsanaa guddoomiyaha gobolka Bay Cali Wardheere Cabdiraxmaan, oo xiligaas ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Suweys oo ku dhagan hotel Baydhabo, waana goob ay isugu yimaadaan mas’uuliyiin iyo shacab.

Maamul Koonfur Galbeed ayaa weli ka hadlin qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay bartamaha Baydhabo

PUNTLAND POST


The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this