Sign in to follow this  
Deeq A.

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo doortay madaxweynaha dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   
3-2.jpg?resize=640%2C360&ssl=1

Madaxweynaha waddanka, Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay madaxtinimada dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh oo ku dhawaaqay natiijada doorashadan ayaa si rasmiya u shaaciyay in mudane Geelle mar kale loo doortay madaxweynaha Jabuuti.

Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Geelle, kaddib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

PUNTLAND POST

The post Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo doortay madaxweynaha dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this