Sign in to follow this  
Deeq A.

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5aad ku guuleystay Kursiga Madaxtooyada Dalka Jabuuti+Tirada Codadku helay & Xoggo kale oo xasaasiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5aad ku guuleystay Kursiga Madaxtooyada Dalka Jabuuti
geelle-2-300x166.jpgIsmael Omar Guelleh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada wadankaas, kaddib markii uu helay 89.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan

Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Geelle, kaddib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this