Sign in to follow this  
Deeq A.

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5-aad ku guuleystay doorashada Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Djibouti: (Caasimadda) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleystay tartankii doorashada Jimcihii shalay, waxaana kula tartamayay doorashada ganacsade Sakariya Ismaaciil Faarax.

Cododkii la dhiibtay oo dhamaa 5421 ayaa 5221 cod oo u dhiganta 96% waxay u coddeeyeen Ismaaciil Cumar Geelle halka 4% oo ah tirada soo hartay 200 qof ay codkooda siiyeen Sakariya Ismaaciil Faarax.

Murashaxa la tartamayay Mr Geelle ayaa diiday jimcihii inuu codkiisa dhiibto isagoo ka cabanayay qaabka kooxda doorashada qaabilsan ula dhaqmeen.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doorashaddiii ugu horeysay ee Jabuuti ku guuleystay 1999 iyadoo xiligaasina aysan jirin cid kula tartantay, wuxuuna xukunka madaxtinnimada kala wareegay madaxweynihii ugu horeeyay ee Jabuuti Xasan Guulleed Abtidoon oo abti ahaan ugu aadan Ismaaciil Cumar Geelle.

Mucaaradka iyo shacabka Jabuuti ayaa ku eedeeya Ismaaciil Cumar Geelle hoggaamiye aan ogoleyn nidaamka xisbiyada badan ee doorashada iyadoo dadku ka cabtaan caburin iyo xarig sharciga aan waafaqsaneyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this