Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: DF oo abaalmarisay ciidamadii Al-Shabaab ku jabiyey Aw-dheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Aw-dheegle (Caasimadda Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyey saraakiisha, Saraakiil xigeenka iyo dhammaan askartii ka qeyb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan maleeshiyada Al-Shabaab loogu geystay saldhigyada ciidamada Dowladda ee Aw-dheegle iyo Bariire.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yusuf Raage ayaa ka qeyb galay xafladda dalacsiinta oo Maanta ka dhacday Aw-dheegle , waxaana saraakiisha, saraakiil xigeenka iyo askartii ka qeyb qaadatay dagaalkaas la dalacsiiyey min hal darajo.

Saraakiisha iyo ciidamada la dalacsiiyey ayaa dhammaantood waxay ka kala tirsan yihiin Ciidamada guutada Gor-gor iyo kuwa 14 October.

Kooxda Al-Shabaab ayaa 3-dii Bishaan April waxay dagaal kusoo qaaday saldhigyada ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin Aw-dheegle iyo Bariire, waxaana halkaas kasoo gaaray khasaaro xoog leh.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Awdheegle oo kaliya wax ka badan 100 askari isla markaasna Shabaab loo dhigay cashir aysan hilmaami doonin, sida uu hadalka u dhigay, inkastoo Shabaabna ay guul ka sheegatay weeraradaas.

Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60aad oo horay deegaanadaas loo geeyay.

Halkaan hoose ka daawo sawirada xafladda dalacsiinta

c63fd49e-4d60-4776-bbb3-49f2a2f84beb.jpg 972c2421-acf2-4d70-91ad-21ac6b55cdb1.jpg b7d92791-8c03-445d-9943-4c856f6ee2eb.jpg 2a216f09-8627-4278-b779-cd9bf9cb8149.jpg 20f0d39d-6c04-431e-9abb-39bfb1f4981b.jpg 90e40b85-857a-429f-a724-e5e6e2e24f23.jpg cdbc8d5a-473f-4580-8d78-4a5ede6b65b5.jpg 40057696-f9f2-42da-9a14-68ea4c13bb35.jpg f925b9f6-d815-4482-b230-c50cb591c856.jpg b8a0d068-0131-4911-b435-c2fa4fec8bfb.jpg dc229158-aa96-4f72-8265-5303ba51fb87.jpg cb666817-71bf-413b-b07c-749baff653ec.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this