Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo hakisay goobaha waxbarashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka Covid-19 ee Puntland ayaa si ku meelgaar ah u hakiyay goobaha waxbarashada.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga, kadib shir ay ku yeesheen hab maqal iyo muuqaal ah ayaa lagu sheegay in si kumeelgaar ah loo hakiyay howlihii waxbarshada ee ka socday gudsiyada asaasiga ah, macaahidda, jaamacadaha iwm, iyadoo tacliinta lagu sii wadi doono hab fogaan arag.

Guddiga ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka Covid-19 ee Puntland wuxuu kula taliyey wasaaradda waxbarashada in la soo hormariyo imtixaanka Naqliga.

Sidoo kale guddiga ayaa awaamiir kale oo la xiriira Covid-19 ka soo saaray masaajidda iyo goobaha iyo gaadiidka dadweynaha.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka guddiga

FB_IMG_16179112495455498.jpg?resize=678% FB_IMG_16179112528550652.jpg?resize=678%

PUNTLAND POST

The post Puntland oo hakisay goobaha waxbarashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this