Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News—Beesha Caalamka oo Canaan kala dul dhacdey Villa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha Caalamka ayaa Digniin kulul u dirtay kuwa ku dhawaaqay in Shirkii Afisyooni uu burburay, hadalka Dublamaasiyadeed ee Beesha Caalamku wuxuu si buuxda u taageeray hadalkii Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee ahaa In shir burburay uusan jirin.

Hadalka kasoo yeeray Beesha Caalamka waa kamid ahaa sidaan hoose..

  • Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamku waxay ka argaggexeen hadalkii shalay kasoo yeeray qaar kamida Madaxda Soomaaliya, kasoo walaac ka dhex abuuray Shacabka.
  • “Waxaan ka codsaneynaa hogaamiyaasha in ay si deg deg ah ugu laabtaan Miiska wadahadalada si loo gaaro heshiis, iyadoo arrimaha harsan loo marayo wado tanaasul. Waxaan ku celineynaa in Beesha Caalamku iyo cid kale toona aysan taageeri doonin geeddi-socod isbarbar socda, Doorasho qayb ah, ama dadaallada lagu doonayo wakhti kororsi”.

Beesha Caalamku waxay kaloo sheegeen iney wadatashi deg deg ah ay la samaynayaan Mucaaradka iyo Cidwalba oo ay qusayso Siyaasada Dalka si go’aan buuxa looga gaaro socodsiinta Go’aamada lawada gaaro.
Hadalkaan kasoo yeeray Beesha Caalamka waxaa muuqata inuu si toosa jawaab ugu yahay hadalkii kasoo yeeray Wasiir Dubbe, waxaana si cad loola hadlayaa Villa Soomaaliya iyo Maamulada taageersan,

Puntlandi.com Muqdisho

EBD687D5-5B8E-46BF-B14D-EA215A5B7145.jpe

The post Breaking News—Beesha Caalamka oo Canaan kala dul dhacdey Villa Soomaaliya appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this