Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar ku qaaday degmada Mahadaay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka waaberkii weeraray askar ku sugan bar-kantarool oo ku taal degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellad dhexe.

Dagaallamayaasha Al-shabaab ayaa sida la sheegay saacado kooban kantaroolkaas waxaana ay goobta ku dileen laba askari oo ilaalo ka ahaa kantaroolka degaanka Buurane.

Kooxda ayaa markii dambe iskood uga baxay barta kantarool kadib saacado ay gacanta ku hayeen sida laga soo xigtay Goob-joogayaal ku sugan degaanka.

Dagaallamayaaasha Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo hore weeraro khasaare dhaliyay ka fuliyay degmada Mahadaay iyo degaannada hoosyimaada .

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerar ku qaaday degmada Mahadaay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this