Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo la kulmay waxgaradka magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa barnaamijka la tashiga dadweynaha kala qeyb galay waxgaradka labada Degmo ee Waaberi iyo Hawlwadaag, kaasi oo ka dhacay xarunta Degmada Waaberi.

Waxgaradka labada degmo ayaa soo bandhigay waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir, waxayna ku amaaneen waxyaabaha la taaban karo oo uu Maamulka Gobolku ka qabtay labada degmo. Intaa ka dib waxay waxgaradka labada degmo Maamulka u gudbiyeen baahiyahooda.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Gobolku uu ka jawaabi doono baahiyaha ay soo gudbiyeen waxgaradka Degmooyinka Waaberi iyo Howlwadaag.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this