Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kormeeray isbitaalka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, halkaasi oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaarahu wuxuu sidoo kale kormeeray qaybta loogu talagalay la tacaalidda COVID-19, isagoo warbixin ka dhagaystay Maamulka Isbitaalka iyo Dhakhaatiirta, waxaana uu Madaxda iyo howlwadeenada Isbitaalka ku bogaadiyay u adeegidda bulshada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this