Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howl-gal ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka saacadihii u dambeeyey ka sameeyeen degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay xubin sare oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Magaca sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu sheegay Xuseen Ganeyn, kaas oo  Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka warbaahinta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Somalia.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in illaa 15 dagaalame oo la socday sarkaalkaasi la dhaawacay, qaarkoodna ay geeriyoodeen markii damabe, sida lagu cadeeyey qoraalka.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dagaallo khasaare badan geystay ay ka dhaceen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Sh/Hoose oo ay ku xoogan tahay Xarakada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this