Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay kulankii wakiilada beesha caalamka iyo Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa caawa xarunta UN-ka ee Xalane shir gaar ah kula yeeshay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada taabacsan dowladda federaalka ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Sida aan xogta ku helnay shirkaas ayaa looga wadahadlay sidii loo badbaadin lahaa fashilka ku yimid wadahadalladii loogu gogol xaarayey shirweynaha wadatashiga ee xalka looga gaarayo khilaafka doorashada.

Ilo ku dhow shirkaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweynayaasha Galmudug, Hirsharbelle iyo Koonfur Galbeed ay fashilkii ku yimid shirka ku eedeeyeen madaxda Jubbaland iyo Puntland, iyagoo wakiillada Beesha Caalamka, ka codsaday in la fasaxo si dib ay ugu laabtaan deegaanadooda..

Wararku waxay intaas ku darayaan xubnaha Beesha Caalamka ay ka diideen madaxda seddaxdaas maamul goboleed dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu war-geliyay in garabkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono qas-wade.

Maalinta Khamiista ah ee berri ayaa la filayaa in wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya ay la kulmaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dowladda federaalku ay ku eedeysay inay fashiliyeen shirkan, in kastoo ay iska difaaceen eedahaas.

Waxaa maanta natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii Teendhada Afisyooni uga socday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxayna markii lagu kala tegay xukuumaddu shaacisay in Jubbaland iyo Puntland ay shirka fashiliyeen, isla markaana ay diideen wax kasta oo xal ah.

Haseyeeshee war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Jubbaland iyo Puntland waxay ku sheegeen in aysan ka warqabin shir fashilmay, balse kaliya ay ka war hayaan in madaxweyne Farmaajo uu maanta dalbaday in latashiyo uu soo sameeyo maalmo aan la cayimin.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland waxay sidoo kale cadeeyeen inay diyaar u yihiin ka qeyb galka iyo sii socoshada shirarka xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Ilo ku dhaw shirka caawa dhex-maray xubnaha beesha caalamka iyo madaxda maamullada taabacsan dowladda federaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamku ay culeys ku saartay madaxda seddaxda maamul goboleed in aysan shirka ka bixin, maadaama ay mar kasta u hoggaansamaan go’aanka uu qaato Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa haatan bilaawday dadaalo ay wado beesha caalamka oo lagu doonayo in shirarka hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay sii socdaan, illa xal laga gaaro khillaafka doorashooyinka dalka.

Labada dhinac ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaafka dhamba uu dhex yaallo ayaa hadda midba midka kale waxa uu ku eedeynayaa inuu fashiliyey wadahadalladii Afisyooni ee gogol xaarka u ahaa shirweynaha wadatashiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this