Sign in to follow this  
Deeq A.

Warshadda Nukliyeerka Ee Imaaraadka Carabta Oo La Howgeliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Imaaradka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Carab ah oo howlgeliyo warshad laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in warshadda tamarta Nukliyeerka ee Barakah ay dalkaas ka haqabtiri doonto baahida korontada.

Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al Maktuum oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna Raysal Wasaaraha Imaaraadka ayaa tallaabada ku tilmaamay mid taariikhi ah kadib markii ay noqdeen dalkii ugu horreeyay ee Carab ah oo ku tallaabsado in uu isticmaalo korontada laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka.

Waddanka oo soo saara shidaal badan ayaa rajaynaya inuu ku guulaysto qorshaha in uu dheeli tiro baahida dhaqaalaha iyo mida deegaanka marka la gaadho sanadka 2050.

Imaaraadka Carabta ayaa leh tamar qorax oo badan waxayna doonaysaa inay dhinto isticmaalka shidaalka saliida.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this