Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ka dhex qarxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Khasaaraha ka dhashay dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ka dhex qarxay

canfar.jpg
Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaanno ku yaalla xadka labada gobol
100 qof oo ku dhimatay dagaal Soomaalida iyo Canfarta ku dhex-maray Itoobiya

Ugu yaraan illaa 100 qof ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhinteen dagaal gobolka Sitti ku dhex-maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee ku nool qeybo ka mid ah Itoobiya.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ay weerar ku qaadeen dad rayid ah oo u badan carruur iyo haween oo ku sugnaa gobolka Sitti, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dhalinyarada gobolka ay sameeyeen iska caabin, isla-markaana ay dileen ugu yaraan illaa 25 ka tirsanaa raggii weerarka soo qaaday.

Qoraal ah kasoo baxay maamulka gobolka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhimashada ay gaareyso 100-ruux oo isugu jiro labada dhinac, halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi.

Dagaalladan oo ah kuwa soo noqo-noqday ayaa waxaa ka dhashay barakac, xaalado bani-aadamnimo iyo kuwa caafimaad oo ka taagan gobolka Sitti.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya Soomaalida iyo Canfarta oo dhowr jeer isku dhacyo ay ku dhex-mareen halkaasi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this