Sign in to follow this  
Deeq A.

Sudan oo laashey Sharci mamnuucayay Jiritaanka Israel iyo inay Xidhiidh la yeelato 

Recommended Posts

Deeq A.   

Sudan oo laashey Sharci mamnuucayay Jiritaanka Israel iyo inay Xidhiidh la yeelato

Wasiirka Mukhaabaraadka Israel Eli Cohen (Bidix) iyo Wasiirka Difaaca Sudan Ibrahim Yasin oo dukumintiyo is weydaaranaya kaddib kulan ay ku yeesheen Khartoum January 25, 2021.
Wasiirka Mukhaabaraadka Israel Eli Cohen (Bidix) iyo Wasiirka Difaaca Sudan Ibrahim Yasin oo dukumintiyo is weydaaranaya Khartoum January 25, 2021.

Sudan oo baabi’say sharci diidayay jiritaanka Israel Golaha Wasiirrada dalka Sudan ayaa Talaadadi shalay ansixiyay qaanuun dalkaasi ka jiray muddo 63 sano ah, kaas oo mamnuucayay xiriir dhexmaro Sudan iyo Israel.

Go’aankan ayaa waddada u xaaraya hagaajinta xiriir diblamaasi iyo mid ganacsi oo dhex mara Israel iyo Sudan, waxana uu imanaya bilooyin kaddib marki ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis nabadeed.

Sudan ayaa ku biireysa dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco, kuwaas oo nasakhay sharciyo dalalkooda u diidayay xariir ay la sameeyaan Israel.
Sannadki hore, dalalka Masar iyo Jordan ayaa ahaa, dalalka kaliyah ee Carbeed ee aqoonsaday Israel.Wali dalal badan oo Carbeed ayaanan Israel u aqoon dal jira.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this