Sign in to follow this  
Deeq A.

War-weyn:Wararkii u danbeeyay ee Markab Iran leedahay oo lagu weeraray Duleedka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

War-weyn:Wararkii u danbeeyay ee Markab Iran leedahay oo lagu weeraray Duleedka Jabuuti

 iran-1.jpg

 

Markab xamuul oo laga leeyahay dalka Iiraan oo la rumeysan yahay inuu saldhig u yahay ciidamada ilaalada kacaanka oo sanado badan ka howlgalayay badda cas meel ka baxsan Yeman ayaa la weeraray sida ay ku warantay warbaahinta dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iran ayaa Arbacabada maanta ah xaqiijisay weerarka, iyada oo sheegtay in markabka MV Saviz uu haleelay qarax aan la garanayn oo sababay “waxyeello yar” abbaaraha 6-da subaxnimo waqtiga maxalliga ah ee Badda Cas, kuna dhow xeebta Jabuuti.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Saciid Khatibzadeh ayaa sheegay in markabka Saviz uu yahay markab aan militari ahayn oo si rasmi ah uga diiwaan gashan Hay’adda Badaha Caalamiga ah ee u shaqeysa sida “saldhigga saadka” ee Iiraan ee Badda Cas, oo fuliya howlgalo ka dhan ah burcad-badeedda.

“Nasiib wanaag wax dhimasho ah kama dhalan dhacdadaas, qiimeyn farsamo oo la xidhiidha sida ay wax u dheceen iyo halka ay ka bilaabatay ayaan wadnaa” ayuu yidhi.

Weerarku wuxuu yimid markii Iran iyo quwadaha adduunku ay bilaabeen shirka Vienna wadahadalladii ugu horreeyay ee ku saabsan sida uu Maraykanku ugu soo laaba lahaa heshiiskii nukliyeerka ee Tehran, taasoo muujineysa in caqabadaha horyaalla aysan ku koobnayn oo keliya wadahadalladaas.

Joogitaanka markabka ee gobolka, oo si isdaba joog ah u cambaareeyay Sacuudi Carabiya, ayaa yimid iyadoo reer Galbeedka iyo khubarada Qaramada Midoobay ay sheegeen in Iran ay hub iyo taageero siisay jabhadda Xuutiyiinta Yemen xilli uu dalkaasi dagaal sanado badan socday.

Iran way beenisay in ay hubeyso Xuutiyiinta, laakiin qaybaha laga helay hubkii jabhadda ayaa muujinaya sida ay iskugu xiranyihiin Tehran.

Taliska Dhexe ee Milatariga Mareykanka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay kaliya in ay “ka war hayaan wararka warbaahinta ee ku saabsan dhacdo la xiriirta Saviz ee Badda Cas”.

“Waxaan xaqiijin karnaa inaysan jirin ciidamo Mareykan ah oo ku lug lahaa dhacdada,” ayaa lagu yiri bayaanka taliska.

“Ma hayno macluumaad dheeri ah oo aan bixinno. ” ayay hadalkooda raaciyeen.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this