Sign in to follow this  
Deeq A.

Wada-xaajoodkii Biyo xireenka Wabiga Niil oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadaxaajoodkii Biyo xireenka Al-Nahda ee u dhaxeysa dalalka, Masar, Suudaan iyo Itoobiya, kana socday Congo, ayaa ku dhammaaday fashil sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Intii lagu guda jiray wadahadallada Biyo xireenka Al-Nahda ee Wabiga Niil, ayay dawladaha Masar iyo Suudaan, si wada jir ah ugu edeeyeen dhigooda Itoobiya in shirka ay la yimadeen go’aan ay diideen in ay wax ka badalaan.

Markii uu bilawday muranka Biya xireenkan, dawladda Masar, aya bishii Juun ee la soo dhaafay dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay golaha amniga, sida ku xusan Qodobka VI, kaas oo ka hadlaya dejinta khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya wadamadan.

Dr. Zaki Al-Buxeyri oo ah Professor  ku takhasusay daraasaadka Afrika ayaa sheegay in Itoobiya ay ka dhiseyso gudahah Niil, 3 biyo xireen oo kale oo aan ka aheyn biyo xireenka Al nahda, kuwaa oo  keydin karaan ilaa 200 bilyan oo mitir cubic oo biyo ah, taas oo looga gol leeyahay in laga dhaliyo koronto , si meesha looga saaro Saamiga Wabiga Niil ay ku leeyahiin dalalka Masar iyo Suudaan.

PUNTLAND POST

The post Wada-xaajoodkii Biyo xireenka Wabiga Niil oo fashilmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this