Deeq A. Posted April 7, 2021 Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ee IRGC ayaa shalay lagu qarxiyey Badda Cas, gaar ahaan inta u dhexeysa Xeebaha Yemen iyo Eritrea. Markabkaasi oo lagu magacaabo SAVIZ waxaa la sheegay inay la kacay Miino baddeedka, waxaana soo gaaray Khasaaro aan weli la shaacinin. Telefishinka Al Xadath ayaa baahiyay in ay ka dambaysay Israa’iil, taasi oo u muuqato mid aargoosi ah, kadib, markii Iiraan lagu eedeeyey Qarax lal beegsaday 2 Markab oo Israa’iil laheed. Markabka la qarxiyey waxa uu dhowr sano ku sugnaa Badda Cas, halkaasi oo la sheegay inuu soo gelbin jiray Maraakiibta Ganacsiga Iiraan ee ka gudba Gacan-biyoodka Badda Cas. PUNTLAND POST The post Iiraan oo laga gubay Markab Dagaal appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites