Sign in to follow this  
Deeq A.

Sudan Oo Baabi’say Sharci Dalkaasi Ka Jiray Muddo 63 Sanno Ah Oo Mamnuucayay Xidhiidh Ay La Yeeshaan Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Sudan oo baabi’say sharci diidayay jiritaanka Israa’iil Golaha Wasiirrada dalka Sudan ayaa salaasadii shalay ansixiyay qaanuun dalkaasi ka jiray muddo 63 sano ah, kaas oo mamnuucayay xidhiidh dhexmaro Sudan iyo Israa’iil.

Go’aankan ayaa waddada u xaadhaya hagaajinta xidhiidh diblamaasi iyo mid ganacsi oo dhex mara Israa’iil iyo Sudan, waxana uu imanaya bilo kaddib marki ay labada dhinac kala saxeexdeen heshiis nabadeed.

Sudan ayaa ku biireysa dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco, kuwaas oo nasakhay sharciyo dalalkooda u diidayay xadhiidh ay la sameeyaan Israa’iil.

Sannadki hore, dalalka Masar iyo Jordan ayaa ahaa, dalalka kaliyah ee Carbeed ee aqoonsaday Israa’iil.Wali dalal badan oo Carbeed ayaanan Israa’iil u aqoon dal jira.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this