Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Shirka Madaxda Soomaalida ee maanta bilowdey oo laga cabsi qabo inuu natiijo la’aan kusoo dhamaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Arbaco ah waxaa dib u bilowdey Shirkii Madaxda Soomaalida ee Arimaha Doorashada kasoo baaqdey Shalay balse maanta ayuu dubbing furmay.

Warar hordhac ah oo aan helayno waxay sheegayaan in Wali ay aad ukala fog yihiin Madaxda kuvshirsan Afisyooni, Qodobada la isku hayo ayaa u muuqda kuwo aan heshiis laga gaari Karin maanta, Qodobadaas waxaa kamida Gudiyada Doorashada ee Dowlada Federaalku soo magacaabeen.

Madaxweyne Farmaajo ma ogola in la badalo gudiyadaas, halka Mucaaradku ay ku andocooayaan in Gudiyadaas aysan Masuul ka noqon Karin Doorashada, Mucaaradku waxay fariintooda usoo dhiibeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa muuqata in Gudiga Doorashadu uu yahay caqabadaha uguweyn ee hortaagan Doorashada, Gudiga inta badan waxay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha, waxaa kaloo kamida Xubno ka tirsan Ciidamada NISA, Mucaaradkuna waxay u arkaan Gudigaan mid aan dhexdhexaad ka noqon Karin Doorashada.

Hadii aan maanta heshiis kaga gaarin Gudigaan , Shirku wuxuu noqonayaa mid aan guul kusoo dhamaan.

Puntlandi.com

Puntlandi-Breaking-news-center.jpg

The post Breaking News— Shirka Madaxda Soomaalida ee maanta bilowdey oo laga cabsi qabo inuu natiijo la’aan kusoo dhamaado appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this